Booliiska Kampala oo gurigiisa kala baxay hoggaamiyaha mucaaradka Uganda

0

Kampala – Booliiska magaalada Kampala ayaa xoog ku galay guriga hoggaamiyaha mucaaradka Uganda, kaddib markii Guddiga Doorashooyinka dalkaasi shaaciyeen natiijooyin hordhac ah oo muujinaya in Madaxweynaha xilka haya, Yoweri Museveni, uu hoggaaminayo doorashada madaxtinimada.

 

Wararka ka imanaya caasimadda ayaa sheegaya in ciidamo badan oo booliis ah ay hareereeyeen guriga hoggaamiyaha mucaaradka, iyaga oo halkaasi ka kaxeeyey, tallaabadaas oo dhalisay caro iyo walaac xooggan oo ay muujiyeen taageerayaasha mucaaradka iyo ururrada xuquuqda aadanaha.

Dhacdadan ayaa kusoo beegantay xilli ay jiraan dibadbaxyo ka socda qaybo ka mid ah magaalada Kampala, kuwaas oo looga soo horjeedo natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada. Booliiska ayaa adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala eryaan dibadbaxayaasha, halka sidoo kale la demiyey dabab lagu shiday waddooyinka waaweyn.

Mucaaradka ayaa ku eedeeyey dowladda in ay adeegsato awood ciidan si loo cabburiyo codadka ka soo horjeeda natiijooyinka doorashada, halka Guddiga Doorashooyinka ay ku adkaysanayaan in tirinta codadka ay weli socoto, isla markaana natiijooyinka kama dambaysta ah la shaacin doono.

Doorashada Uganda ayaa hareysay muran xooggan, iyadoo la soo sheegay hakad dhanka internet-ka ah, dib-u-dhac ku yimid habsami u socodka codeynta, iyo eedeymo la xiriira wax-is-dabamarin codbixin. Madaxweynaha xilka haya, Yoweri Museveni, oo talada dalka hayay muddo ku dhow 40 sano, ayaa doonaya inuu mar kale sii dheereeyo xukunkiisa.

Uganda ayaan tan iyo xornimadii ay ka qaadatay gumeystihii Ingiriiska sanadkii 1962 weligeed arag wareejin awood oo si nabad ah u dhacda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here