Booliiska Soomaaliyeed oo sheegay in ay baarayaan dhacdadii Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) –  Taliska ciidanka boliiska Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay falkii foosha xumaa ee shalay ka dhacay magaalada Kismaayo halkaas oo uu ku dhintay sarkaal ka tirsanaa ciidanka boliiska.

 

Taliska waxa uu wada baaritaan dheeraad ah oo ku saabsan sida ay u dhacday shaqaqadaas sarkaalkaas ku nafwaayay , waxaana lala tiigsan doonaa cid kasta oo ku lug yeelata sharciga waxaana laga qaadi doonaa talaabo adag.

Boliiska Soomaaliyeed markasta waxa ka go’an  sugidda nabadda iyo badbaadada bulshada. Falalka noocan oo kale ahna lagama aqbali doono cid kasta oo isku dayda inay waxyeello u geysato nabadda iyo amniga qaranka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here