Ciidamada Booliska oo eedeysane usoo xiray geedo laga jaray degmada Dayniile

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Booliiska dagmada Deyniile ayaa gacanta waxa ay kusoo dhigeen eedeysane Cabdiqani Daahir shire oo lagu eedeeyay in uu cagaf ku jaray geedo waaweyn oo ku yaalay xaafada gubta ee degmadaasi .

 

Booliska ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in eedeysanahaan la horgeydoono Maxkamdda awooda u leh, iyagoo sidoo kale uga digay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan xaalufinta geedaha nacfiga uleh deegaanka iyo Aadanaha.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Dagmada Deyniile waxey gacanta kusoo dhigeen eedaysane Cabdiqani Daahir shire oo si bareer ah cagaf ugu jaray geedo waaweyn oo ku yaala xaafada gubta ee Degmada Deyniile.

Waxaa la horgeydoonaa Maxammada Awooda uleh.

Waxaa looga digayaa mudaadiniinta Soonaaliyeed in ay ka fogaadaan xaalufinta geedaha nacfiga uleh deegaanka iyo adamaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here