Dhoobley – Ciidanka Booliska Degmada Dhoobley ayaa maanta gacanta ku dhigay 119 dhalo oo maandooriye khamri ah iyo eeddaysane lagu tuhunsan yahay in uu lahaa, kadib howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen gudaha magaalada iyo waddooyinka soo gala.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay laamaha amniga degmada Dhoobley wadaan, kuwaas oo lagula dagaallamayo maandooriyaha sharci darrada ah iyo falalka lidiga ku ah nabadgelyada guud.
War kasoo baxay maamulka degmada ayaa lagu sheegay in maandooriyahan la doonayay in si dhuumaleysi ah loogu gudbiyo degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, balse ay ciidamada kusoo qabteen intii lagu guda jiray hawlgalkii maanta.
Taliyaha Amniga Guud ee Dhoobley, Gaashaanle Sare Maxamed Haybe, oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan hawlgallada ay kaga hortagayaan ganacsiga maandooriyaha iyo dhammaan falalka amniga wax u dhimaya.
“Waxaan xaqiijinaynaa in aan si joogto ah ula dagaallamayno dadka ku howlan ganacsiga sharci darrada ah, waxaana si gaar ah u bartilmaameedsan doonaa kuwa isku daya in ay deegaanka ku faafiyaan maandooriye,” ayuu yiri Taliyuhu.
Dhoobley oo ah magaalo istiraatiiji ah kuna taalla xuduudda Soomaaliya iyo Kenya ayaa marar badan la tacaashay isku dayo lagu soo galinayo badeecooyin sharci darro ah.
Hase yeeshee, maamulka degmada ayaa hadda sare u qaaday adkeynta ammaanka, iyagoo kordhiyay baaritaannada iyo howlgallada lagu sugayo xasiloonida.
Booliska ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka in ay la shaqeeyaan laamaha amniga si loo xakameeyo dhaqdhaqaaqyada sharci darrada ah, loona sugo badqabka bulshada.









