Muqdisho, Soomaaliya – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Booliska Degmada Hodan, ayaa gacanta ku dhigay eedaysane lagu magacaabo Cabdimaalik Ibraahim Cabdiraxmaan, kaas oo lagu soo qabtay tuhun ah inuu dadka ku khiyaameyn jiray isaga oo isu soo bandhigayay inuu yahay sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA).
Boolisku waxay sheegeen in ninkaasi uu dadka u sheegay inuusan kaliya ka tirsanaynayn hay’ad amni, balse uu sidoo kale dadka ku kaxaysan jiray meelo daroogo ama luuqyo ah si uu uga qaato taleefoonnadooda gacanta iyo hanti kale, isaga oo adeegsanaya marin-habaabinta ciidanka dhar-cadka ah ee ilaalada shacabka.
Baaritaanno hordhac ah oo ay sameeyeen hay’adaha ammaanka ayaa lagu xaqiijiyay in eedaysane Cabdimaalik Ibraahim Cabdiraxmaan uusan ka tirsanaynayn wax hay’ad amni ah oo dalka ka jira.
Ciidanka booliska ayaa sheegay in eedaysanaha uu weli ku jiro gacantooda, isla markaana ay socdaan baaritaanno dheeraad ah, kadibna loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo.
Sidoo kale, xalay waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Dharkeenley ka dhacay falal dhac ah oo lagu geystay shacabka. Halka Degmada Yaaqshiid ay rag hubeysan ku dileen muwaadin, iyaga oo sidoo kale ka geystay falal dhac ah.
Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si weyn u muujiyay walaac ku aaddan kororka falalka amni-darrada ee ka dhacaya gobolka Banaadir, iyagoo baaq u diray Booliska Gobolka Banaadir in si degdeg ah wax looga qabto xaaladdan amni ee sii xumaanaysa.




