MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysanayaashii ugu badnaa, kadib howlgallo ka dhacay caasimada.
Eedeysanayaasha lasoo qabtay ayaa gaaraya illaa 23 qof oo loo haysto inay dil, dhaawac, kufsi iyo dhac ay ka gaysteen magaalada Muqdisho.
Hoose ka akhriso warsaxaafadeedka kasoo baxay Booliska:-
Hay’adda ha amiga Gobalka Banaadir iyo Shacabka Caasimadda oo is kaashanaya ayaa soo qabtay eedeysanayaal gaaraya 23 eedeysane oo kukacay falal iskugujira Dil, Dhaawac, Dhac dadweyne iyo ka ganacsi maandooriye.
Kuwaas oo tiradoodu gaareyso ilaa 23 eedeysane waxeyna wajahayaan cadaalada.
Muwaadin hadii aad la kulanto falal amniga lidi ku ah la soo xariir xafiiska gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed amma ku soo hagaaji police@g.v.so