Taliska Booliska oo war kasoo saaray howlgalka la dagaalanka anshax xumada

0

MUQDISHO (SMN) – Taliska qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka warbixiyay howlgallada ay ka wadaan gudaha magaalada Muqdisho ee lagula dagaalamayo anshax xumada.

 

Booliska ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka uu yahay in la dhiso asluubta bulshada, ayna qayb ka tahay dowladnimada.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan;-

Sababta aan xooga u saareyno la dagaalanka Anshax xumada ayaa ah inaan aamisanahay in Asluubta Bulshada oo la dhiso ay tahay qeyb kamid ah Dowladnimada.

Waana qeyb kamid ah shaqooyinka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, sidaas darteed Waalidiinta Soomaaliyeed iyagana masuuliyad weyn ayaa ka saaran ubadkooda, waana in ay la xisaabtamaan kalana shaqeeyaan Ciidanka Booliiska sidii loo suuli lahaa falalka nuucaas ah

Ciidanka Booliiska waa Hooyada Ciidamada Qalabka sida, waana ciidankii ugu horeeyay ee dalkeennu yeesho, ciidanka Booliisku waa Barbaariye, dhise iyo Badbaadiye.

Wada shaqeen wacan Bulshooy.

(MAHADSANIDIIN)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here