MUQDISHO (SMN) – Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir ayaa gacanka kudhigey maantey oo ay tahay 03-05-2024 abaaro 1410hrs eedeyasane gacan ku dhiigle MAXAMED ISMAACIIL MAAME INA FAADUMO SHEEKH AXMAD 44 jir ah ku dhashey degmada waaberi kaas oo dil bareer ah u geystey xaaskiisa hore MARXUUMAD XABIIBO XUSEEN CABDULAAHI INA MARYAN CALI BILAAL 34 jir ah taas oo hooyo u ah caruur tiradooda gaareysa 3 wiil oo uu dhalay gacan ku dhiiglaha.
Falkaan dilka ah waxaa loo adeegsadey toorey uu wadtey eedeysanaha wuxuu ka dhacay deegaan Garasbaalay waaxda 2.aad dhinaca Xoosh.
Ciidanka Boliisku waxay gacanta ku soo dhigeen gacan ku dhiiglaha oo asagana dhaawac isku geystey waxaana dhaawaciisa lagu daweynayaa isbitaalka Boliiska ee Madiina waxaana sida ugu dhaqsida badan la hor geyn donaan maxkamada cadaalada