MUQDISHO (SMN) – Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo maanta shir jaraa’id u qaybtay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay caasimada.
Afhayeenka ayaa xusay in gacanta lagu soo dhigay eedeysanayaal kala duwan oo qaarkood dilal ka gaystay Muqdisho iyo kuwa kale oo ka ganacsanayay waxyaabaha maanka dooriya.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in lasoo qabtay shabakad isku xiran oo afduub u gaysatay askari ka tirsan ciidamada dowladda oo lacag kumaan kun dollar ah ka helay 1XBET.
“Waxaan qabanay shabakad afduubatay Askar katirsan Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed.