Booliska oo soo bandhigay Ashraf Cali Nuur iyo eed culus oo loo haysto

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa xalay soo bandhihay eedeysane Ashraf Cali Nuur oo kamid ah dhalinyarada isticmaala baraha bulshada.

 

Qoraal kasoo baxay taliska booliska ayaa waxaa lagu sheegay in wiikan dhalinyarada ah loo haysto anshax xumo, isla markaana la horgeyn doono maxkamadda ku shaqada leh.

Ashraf oo muddooyinkii dambe lagu hadal-hayey baraha bulshada ayaa horey iskaaga fogeeyay eedeymo ceynkaan oo kale ah oo loo soo jeediyey.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa soo xiray eedeysane Ashraf Cali Nuur Sahal 24 jir kuna eedeysan Anshax-daro.

Ciidanaka Boliiska Soomaaliyeed waxa ay u taaganyihiin fal-kasta oo wax u dhibaya dhaqankeena suuban iyo diinteena sharafta leh.

Muwaadin hadii aad la kulanto ama ay kusoo gaarto falal ammaanka liddi ku ah la soo xiriir xafiiska gurmad ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee 991 ama kusoo hagaaji banadir@police.g.v.so.

=Dhamaaad=

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here