MUQDISHO (SMN) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay falkii lagu gubay Luul Sheekh Cabdicasiis oo shalay ku geeriyootay magaalada Muqdisho.
Booliska ayaa sheegay inuu wado howlgal lagu baadi-goobayo eedeysanaha oo lagu magacaabo, Sayd Cali Macallin Daa’uud, isla-markaana baxsad ka ah cadaaladda.
Sidoo kale taliska booliska ayaa farriin u diray shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay soo wargeliyaan xogta ninkaas, haddii ay meel ku arkaan.
Halkan hoose ka akhriso:-
Eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu 26 Jan 2024 gubay xaaskiisii Marxuumad Luul Shiikh Cabdi Jaziira, isla markaana baxsaday.
Baadi goobka eedeysanaha ayaa ka socda Caasimada iyo Gobolada dalka oo la rumeysanyahay inuu u baxsaday.
Qofkii helaa xogtiisa, waxaa ka codsaneynaa inuu la wadaago barta Ciidanka Amaanka ee ugu dhow, lambarka gaaban ee 991 ama baraha bulshada.
Howgalo lagu baadi goobaya ayaa socda waxaan rajeynaynaa in dhawaan gacanta lagu soo dhigo si’uu cadaalad u maro.
Mahadsanidiin.