Booliska Soomaaliya oo dekedda Muqdisho ka qabtay kunteenar ka buuxay waxyaabaha maanka dooriya

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa dekedda Muqdisho ku qabtay kunteenar ay ka buuxaan waxyaabaha maanka dooriya, kuwaas oo laga keenay dalka Imaaraadka Carabta.

 

Markabka siday waxyaabahan ayaa kasoo shiraacday dalka Imaaraadka, waxaana ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si guul leh ku qabteen dekedda magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in waxyaabahan maanka dooriya ay dhibaato weyn ku hayaan bulshada, isagoo tilmaamay in waxyaabaha la qabtay ay yihiin dawooyin si daroogo ahaan loogu isticmaalo Muqdisho.

Booliska Soomaaliya ayaa sii xoojiyay dadaallada ka hortagga iyo la dagaallanka waxyaabaha maanka dooriya ee dhibaatada ku haya bulshada Soomaaliyeed, iyadoo horey dekedda Muqdisho looga qabtay daroogo lagu qariyay baakado ku dul saaran badeecooyin kale.

Ciidamada ammaanka ayaa ku baaqay in la sii xoojiyo iskaashiga bulshada iyo hay’adaha kale ee ammaanka si looga hortago dhibaatooyinka ka dhasha waxyaabaha maanka dooriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here