Booliska Soomaaliya oo qabtay laba askari oo lagu eedeeyay dhac shacabka ka dhacay Muqdisho

0

MUQDISHO – Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Jimcihii magaalada Muqdisho ku qabtay laba nin oo lagu eedeeyay inay dhici jireen shacabka, iyadoo saraakiishu sheegeen in labadaas nin ay yihiin askarta dowladda.

 

Boolisku waxay sheegeen in labada eedeysane lagu qabtay iyagoo ku guda jiray fal dhac ah oo ka dhacay deegaanka Siinka Dheer ee degmada Garasbaaley, waxaana gacanta ku dhigay saraakiil ka tirsan Saldhigga Booliska Garasbaaley.

War kooban oo kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in labada nin oo lagu kala magacaabo Mustaf Nisaam Maxamed iyo Anas Maxamed Mumin ay xirnaayeen dirayska booliska dowladda xilligii lagu qabtay falkaas. Boolisku waxay sheegeen in eedeysanayaasha la horgeyn doono maxkamadaha awoodda u leh si cadaaladda loo marsiiyo.

Taliska Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay shacabka Muqdisho inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka, islamarkaana ay soo gudbiyaan xog kasta oo ku saabsan dambiyada, si loo ilaaliyo nabadgelyada iyo xasilloonida caasimadda.

Xiritaankan ayaa imanaya iyadoo booliska Muqdisho ay xadideen hawlgallada ammaanka toddobaadyadii u dambeeyay, si loo yareeyo dambiyada loona xoojiyo amniga guud ee gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here