Booliska Soomaaliya oo shaaciyay khasaaraha qaraxii Iskuul Booliisiya

0

MUQDISHO (SMN) – Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ahaa oo maanta ka dhacay barxadda Iskuul Booliisiya ee magaalada Muqdisho.

 

Qaraxa oo uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa beegsaday maqaayad ku taalla afaafka hore ee xerada, taas oo ay fariistaan ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay taliska Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxa ay ku dhinteen illaa 7 ruux oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 6 kale.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Maatey oo Taariikhda Tahay 17-oct-2024 abaaro 1527hrs ama 03:27pm Ruux Naftii Halige ah oo isku Soo xirey Walxaha Qarxa ayaa ku Qarxay xaafada isku raranta ah ee Kasoo Horjeeda Barxada Iskool Boliisiya halkaas oo ay ku yaalaan Geedo ay Dadka Meesha Degan Harsadaan.
Qasaaraha Hordhaca ah oo laxaqiijiyey waxay kala yihiin:-

Dhimashada 07 Ruux oo isugu Jira Ciidan iyo Shacab

Dhaawacana waxaa la arkay ilaa hada 6 Ruux oo u badan Dhaawac fudud oo isbitaalada luguhooda ku aadey

Warbixinta oo dhimeystiran dib ayaan kasoo sheegidoonnaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here