Taliska Booliska Soomaaliya oo shaaciyay khasaaraha qarixii maqaayadda Top Coffee

0

MUQDISHO (SMN) – Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay qaraxii maqaayada Top Coffee, wuxuuna qasaaraha dhimashada ku sheegay 5-ruux halka dhaawacana ay ku sheegeen 20 qof.

 

Booliiska ayaa ku eedeeyay mas’uuliyadda qaraxan Al-Shabaab oo inta badan fulisa weerarada noocaan oo Kale ah inkastoo aysan Ciidanka Booliisku soo hadal qaadin sida ay ku suurtagashay in goobtan oo amnigeeda aad loo ilaaliyo islamarkaana ay ka horeeyaan bara-kantarool oo badan ay isku qarxiyeen Al-Shabaab.

“Kooxaha Argigixisada ah ee Caadeysatey in ay la dagaalamaan horumarka iyo nabadda bulshada Soomaaliyeed waxay gaari ay ka soo buuxiyeen walxaha qarxa gaakimeen goob Maqaayad ah oo ay dhalinyara Soomaaliyeed ay ku caweynaysay oo ku taala Degmada Boondhere” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Waxaa la xaqiijiyey ilaa hada geerida 5 qof iyo ilaa 20 qof oo dhaawac fudud ah . Waxaa jira qasaare hanti oo u badan baabuur ay lahaayeen dhaliyarta goobta ku caweynaysay. Guud ahaan qasaaraha goobta maadaama ay Habeen tahay tirakoobka qasaarahana uu socdo dib ayaan ka soo sheegi doonaa;.

Dhinaca kale qasaaraha dhimashada ee ay warbaahintu helayso ayaa ka badan inta ay Booliisku sheegeen.

Qaraxa waxa uu ahaa ismaadiin, kaas oo lala beegsaday maqaayadda Top Coffee, xilli ay ku sugnaayeen dad badan oo shacab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here