Booliska Soomaaliya oo Gacanta ku Dhigay Nin Dil Ku Eedeysan

0

Muqdisho – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan Shariif Maxamed Axmed, oo lagu eedeeyay in uu dil u geystay Marxuum Cabdifitaax Cabdi Cismaan, oo horey uga mid ahaa xiddigaha ciyaarta kubadda cagta ee xulka Qaranka Soomaaliyeed.

 

Shariif ayaa lagu xiray Saldhigga Booliska degmada Hodan ee gobolka Banaadir, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Mahdi Cumar Muumin.

Taliyuhu wuxuu sheegay in baaritaan rasmi ah lagu wado eedeysanaha, isla markaana uu balan qaaday in la horgeyn doono Maxkamadda awoodda u leh si cadaaladda loo horkeeno.

Lama oga sababta Shariif oo kamid ahaa ilaalada hotel ku yaalla isgoyska Zoobe [Km5] u dilay Cabdifitaax Carab, oo u shaqeynayay Astaan TV, oo ah cable ka ka shaqeeyay Muqdisho.

Marxuum Cabdifitaax Cabdi Cismaan ayaa caan ka ahaa garoomada dalka, isagoo door muuqda ka soo qaatay horumarka ciyaaraha dalka, waxaana dilkiisa si weyn looga dareemay bulshada ciyaartoyda iyo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan dadaallada ay ugu jiraan sidii cadaaladda loo heli lahaa, lana xaqiijin lahaa amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here