Muqdisho – Wasiirka Arrimaha dibada China Wing Yi oo la filayey in uu maanta soo gaaro Muqdisho ayaa safarkiisu dib u ga dhacay xiliga ay isla qorsheeyeen labada Dowladood.
Wararka ay heshay Shabelle ayaa sheegaya in Wasiirka uu u baaqday arrimo aan la ogeyn oo qabsaday, hasa’ahaatee mar kale dib loo qorsheyn doono imaatinkiisa Muqdisho.
Majirto wax war ah oo kasoo baxay DFS oo ku aadan Wing Yi oo maanta loo xiray wadooyinka Muqdisho balse uu ka baaqday safarka uu ku imaan lahaa Soomaaliya.
Socdaalka Wing Yi ee Muqdisho ayaa la xiriiray booqasho sanad la ah oo ay Wasaarada arrimaha dibada China ku kala bixiso dalalka Africa.




