Boqortooyada Sucuudiga oo ka jawaabtay codsiga dowladda Soomaaliya ee abaarta ba’an

0

MUQDISHO – Dowladda Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa noqotay dowladdii ugu horreysay ee si rasmi ah uga jawaabtay codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsan gurmadka degdegga ah, xilli dalka ay ka jirto abaar ba’an oo saameysay bulsho aad u nugul.

 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xarunta hay’adda kula yeeshay kulan gaar ah Mr. Yaziid Cabdalla Xamuud, Maamulaha Hay’adda Xarunta Boqor Salmaan ee Laanta Afrika. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda abaareed iyo sidii gargaar degdeg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay dhibaatada abaartu saamaysay.

Intii kulanku uu socday, waxaa lagu shaaciyay in Boqortooyada Sucuudi Carabiya ay oggolaatay gargaar degdeg ah oo lagu caawinayo ku dhowaad 100,000 oo qof, kuwaas oo ka mid ah dadka ugu nugul ee ay abaartu sida adag u saamaysay.

Mr. Yaziid Cabdalla Xamuud, Maamulaha Hay’adda Xarunta Boqor Salmaan ee Laanta Afrika, ayaa sheegay in Boqortooyada Sucuudi Carabiya ay mar walba garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ka go’an tahay in ay sii wadaan taageerada bini’aadantinimada ee dalka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sucuudi Carabiya tallaabadan degdegga ah iyo garab istaagga ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in gurmadkani uu qayb ka noqonayo dadaallada lagu xoojinayo u gurmashada dadka abaartu saameysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here