Burcad hubeysan oo lagu qabtay howlgal ka dhacay degmada Waaberi + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ku qabtay labadaan nin oo watay Tooreeyo iyo Mooto Bajaaj, isla markaana dhac u geysanayey shacabka ku nool xaafado ka mid ah degmadaas.

 

Booliska ayaa sheegay in dadkii ay taleefoonada ka dhaceen ay deg deg u war-geliyeen booliska, taasi oo fududeysay in raggaan lagu soo qabto howlgal ay fuliyeen ciidamada ka howlgala saldhigga booliska ee degmada Waaberi.

Shalay ayaa sidan oo kale degmada Heliwaa loogu qabtay rag burcad ah oo iyana dhac u gaysanayay shacabka degmadaasi.

Tallaabooyinka ayaa qayb ka noqonaya howlgallada ay ciidamada booliska Soomaaliyeed ku sugayaan amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here