Burkina Faso, Bobo-Dioulasso– Dowladda Burkina Faso ayaa sheegtay inay fashilisay isku day afgambi oo lagu doonayay in xilka looga tuuro Madaxweynaha dalka Ibrahim Traore, iyadoo qorshahaasi lagu eedeeyay madaxweynihii ku-meelgaarka ahaa ee hore Paul-Henri Sandaogo Damiba.
Wasiirka Amniga Burkina Faso, Mahamadou Sana, ayaa ka sheegay telefishinka qaranka ee RTB in qorshaha afgambiga uu ku lug lahaa dilal qorsheysan oo lagu beegsan lahaa mas’uuliyiin ciidan iyo rayid ah, islamarkaana bartilmaameedka ugu horreeya uu ahaa Madaxweyne Traore.
Sana ayaa sheegay in Damiba uu ahaa maskaxda ka dambeysa qorshaha, isla markaana uu ka mas’uul ahaa qorsheynta, maalgelinta, iyo qorista dadka ka qayb qaadan lahaa afgambiga. Wuxuu intaa ku daray in xaaladdu ay hadda si buuxda gacanta ugu jirto dowladda, islamarkaana la qaaday tallaabooyin amni oo lagu sugayo xasilloonida dalka.
Madaxweyne Ibrahim Traore ayaa talada dalka la wareegay Sebtembar 2022, kaddib markii uu afgambi ku riday Damiba, kaas oo isaguna horey xilka ugala wareegay madaxweynihii la doortay Roch Marc Christian Kabore bilo ka hor.
Burkina Faso ayaa tan iyo xilligaas wajahaysay xasillooni darro siyaasadeed iyo amni, iyadoo dalka uu ka socdo dagaal culus oo ka dhan ah kooxo hubeysan, isla markaana afgambiyo is-daba joog ah ay ruxayeen talada dalka.
Eedeyntan cusub ee afgambi ayaa mar kale muujinaysa kacsanaanta siyaasadeed ee ka jirta Burkina Faso iyo caqabadaha horyaalla hoggaanka militariga ee dalkaasi.



