MUQDISHO (SMN) – Dowladda Burundi ayaa markii ugu horaysay xaqiijisay in aysan ka qeyb qaadan doonin howgalka cusub ee Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilloonida Soomaaliya, kaasi oo lagu wado in uu beddelo howlgalka ATMIS.
Safiirka Burundi ee Midowga Afrika, Willy Nyamitwe ayaa sheegay in go’aankooda uu la wadaagay dhigiisa dalka Jabuuti, Cabdi Maxamuud Eybe, oo ah Guddoomiyaha Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika.
Wuxuu sheegay Burundi ay go’aansatay in ay isaga harto howlgalka cusub maadaama iyaga iyo Soomaaliya uu soo kala dhex galay is-fahwaa ku aadan tirada ciidan ee loo oggolaanayo Burundi in ay uga qeyb qaadato howlgalka cusub.
Go’aanka Burundi ayaa laga cabsi qabaa in howlgalka cusub uu horseedo waji cusub, maadaama Soomaaliya ay haatan wado qorshe howlgalka looga reebayo dowladda Itoobiya sababa la xiriira xadgubyo dhanka madax banaanideeda.
Dhanka kale, xogo ay heshay Idaacadda Shabelle ayaa sheegaya in Burundi ay ka biyo diiday in tirada ciidankeeda lagu soo koobo keliya 1,041 askari, isla-markaana laga diiday dalabkeeda ku aadan in loo oggolaado ugu yaraan 2,000 oo askari.
Sidoo kale, arrinta la isku mari-waayay ayaa lagu sheegay in ay tahay in Burundi ay diiday in ciidankeeda la geeyo gobolka Gedo, si ay ula wareegaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidanka Itoobiya iyadoo gobolka uu noqday khilaafka ka dhex oogan Soomaaliya iyo Itoobiya .
Waxaa sidoo kale soo ifbaxaya in dowladda Itoobiya ay dooneyso inay ‘culays amni’ saarto dowladda Soomaaliya, si caalamka looga gado in Soomaaliya ku socoto waddo la mid ah tii Afganistaan, isla markaana aan laga maarmin in ciidamada Itoobiya ay sii joogaan dalka Soomaaliya si loo wado dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u go’aansatay gacan ku heynta howlgalka cusub isla-markaana ay iyadu go’aamiso dalka ka qeyb qaadanaya, waxaana xusid mudan suurtigalnimada in casuumaad loo diro Eritrea marka la eego xiriirka xoogeystay ee labada dal.
Si-kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay ku dhawaaqdo magacyada dalalka ka qeyb qaadanaya howlgalka cusub, inkastoo howlgalkan loo qorsheeyay muddo hal sano maadaama Mareykanka uu jartay dhaqaalihii uu bixin jiray, iyadoo xusid mudan in xitta uu isaga aamusay codeynta howlgalka cusub ee la flilayo in uu bilowda kowda bisha soo socota ee Janaayo.