C/qaadir Firdhiye iyo Cabdirashiid Yuusuf oo ku guuleystay doorashadda Laascaanood

0

LAASCAANOOD, Soomaaliya – C/qaadir Axmed Cali Firdhiye ayaa ku guuleystay kursiga Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari ee fadhigiisu yahay magaaladda Laascaanood, ee xarunta gobolka Sool.

 

Firdhiye ayaa ka adkaadey dhowr musharax oo uu ku jiro C/risaaq Khaliif kaasoo soo gaarey wareegga 2aad ee codbixinta, balse ka baxay isagoo dhameysan kadib markii Musharax Jamaal Maxamed Xasan uu codadkii uu helay ugu shubey Firdhiye.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale u doortay C/rashiid Yuusuf Jibriil Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Waqooyi Bari. Natiijada doorashadda ayaa ahayd mid horey loo sadaaliyay musharaxiinta ku guuleysanaya, ee taageeradda ka helay Madaxtooyadda Soomaaliya.

Maamulka Waqooyi Bari oo horey SSC-Khaatumo loo oran jiray ayaa wajahaya caqabado dhowr ah, oo dib u dhiska iyo dagaalka Somaliland kamid yihiin, waxaana uu galayaa hadda marxalad cusub marka uu doorashadda ka baxay.

Villa Somalia ayaa dhaqaale badan ku bixisay sida la sheegay doorashadda Laascaanood, si ay ugu soo baxaan Musharixiinta ay wadatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here