Cabdikariin Xuseen Guuleed oo eedeymo culus u jeediyay dowladda Soomaaliya

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii Hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo soo saray war qoraal ah ayaa diginin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo uga digay in xukunka uu isku sii dhejiyo marka uu mudo-xileedka afarta sano dhamaado 2026.

 

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa xusay in dariiqa madaxweynaha dalka ku hogaaminayo iyo oraahda loo joojin-maayo dalka aan lagusii xukumi Karin, islamarkaana ay tahay in la dhageysto aragtiada siyaasiyiinta mucaaradka oo kamid ah saamileyda dalka.

Mar uu kahadlayay amniga ayaa waxa uu sheegay in Dowladda ay u diiwaan-gashan tahay 70,000 oo askari, islamarkaana ay ku fashilantay in ay howlgaliso, taasoo sababtay in loo baahdo ciidan qabiil, inay galaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxuu sheegay in daryeel xumada askarta qaranka  iyo musuqa jira ay sababtay in Ciidamada Soomaaliyeed ay dagaalami waayaan.

Madaxweynihii hore ee Galmudug mar uu ka hadlayay arrimaha doorshada ayaa waxa uu sheegay in dalka ay xal u tahay doorasho loo dhanyahay oo aysan xal u ahayn erayga loo joojin-mayo, kaasi oo anaan lahayn dhaxal-reeb wanaagsan.

Xasilooni darada siyaasadeed ee ka jirta dalka ayuu sheegay in awood cusub ay siisay kooxda Al-Shabaab, iyadoo halis galinaysa jiritaanka dowladnimada lagu mideysnaa, isagoo farta ku fiiqay in hanaankii lagu badalay dastuurka ay abuurtay xasilooni daro siyaasadeed iyo maqnaashaha Puntland iyo Jubaland.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa xusay in midnimada inta hadda joogta ay halis ku jirto marka laga yimaado Somaliland isaga oo tilmaamay in mudadii sanadka iyo barka ee u dambeesay lasii fogeeyay dadka ku abtirsada gobolada Woqooyi.

Dhinaca dhaqaalaha ayuu sheegay in dalka uu marayo meeshii ugu adkeyd mudo 10 sano ah, shacabka ayuu sheegay in ay noqdeen raja beel, lacagtiina ay gashay gacmo kooban, taasoo ah fashil soo wajahay dowladda, maadaama ay waxba ka qaban.

Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh in dalka uu u turo, islamarkaana uu talada dhulka dhigo, uuna dhageysto Talooyinka ka imaanayay qeybaha siyaasada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here