LAASCAANOOD, Soomaaliya – Cabdilrisaaq Khaliif, oo kamid ahaa musharaxiintii shalay u taagnaa kursiga Madaxweynaha Maamulka Gobolada Waqooyi Bari Soomaaliya, ayaa saacado kadib doorashada si sharaf leh uga hadlay guuldarradii ka soo gaartay tartanka.
Cabdilrisaaq ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha cusub Cabdilqaadir Axmed Awcali (Firdhiye) iyo Madaxweyne Ku-xigeenka cusub Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, isagoo Ilaahay uga baryay inay xilka iyo mas’uuliyadda culus si fudud u gutaan.
“Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxda cusub ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Madaxweyne Mudane Cabdilqaadir Axmed Awcali (Firdhiye) iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Waxaan Rabbi uga baryayaa in uu Ilaahay u fududeeyo xilka iyo mas’uuliyadda culus,” ayuu yiri.
Sidoo kale, Cabdilrisaaq ayaa u mahadceliyay xubnaha Baarlamaanka maamulka, ciidamada amniga, iyo guddiga abaabulay doorashada, isagoo tilmaamay inay howshoodu ahayd mid weyn oo mudan in lagu bogaadiyo.
“In kasta oo intii lagu guda jiray doorashada ay jireen khaladaad farsamo oo sababay muran iyo kala qaybsanaan, waxaan qiimeynayaa duruufaha jira iyo wadajirka bulshada, waxaanan bogaadinayaa natiijada laga gaaray doorashada iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska,” ayuu intaa ku daray.
Musharax Cabdilrisaaq ayaa ugu baaqay hoggaanka cusub in ay abuuraan jawi degan oo bulshada isu keena, isagoo ku adkeeyay in midnimo iyo wadajir ay tahay furaha horumarka iyo nabadda.
“Markasta midnimo iyo wadajir ayaa ina deeqda, waxaana noo ballan ah horay u socod wanaagsan iyo wadashaqayn ayaa noo ballan ah dhammaanteen,” ayuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisa.




