Al-Cadaala oo ku dhawaaqay inuu isaga haray tartanka kursiga HOP#069

0

MUQDISHO (SMN) – Wasir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa maanta shaaciyey inuu isaga haray tartanka kursiga tirsigiisu yahay HOP#069 ee ay deegaan doorashadiisu tahay Galmudug.

Al-Cadaala oo qoraal soo saaray ayaa sheegay inuu u tanaasulay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo horey ugu fadhiyey kursigaan.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka warfaafinta ayaa u mahadceliyey taageerayaashiisa iyo saaxibadii kala shaqeynayey ololihiisa.

Halkan hoose ka aqriso- 

Waxaan halkaan uga hambalyaynayaa Adeerkeey Abdurahman Mohamed Hussein oo noqonaya Xildhbaanka I matalidoona afarta Sano ee soo socota insha allaah.

Waxaan umahadcelinayaa dhamaan saaxiibadii mudada ka badan labada Sano igala shaqaynayay Ololahayga.

Waxaan kale oo u mahadcelinayaa dhamaan taageerayaashayda kala duwan oo aan leeyahay waad mahadsantihiin.

Halganku wuu soconayaa insha allaah.

Dhamaanteen waan guulaysanay.

Gacmaha ayaan isqabsanaynaa horay ayaanan usoconaynaa insha allaah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here