Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo eedeyn culus u jeediyay madaxweyne Xasan

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal dheer soo saaray ayaa ka hadlay cabashada ka taagan xaafadda kalluunka ee magaalada Muqdisho, kuna dhow aagga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku eedeeyay madaxweynaha inuu dhegaha ka fureystay cabashada shacabka deggan dhulkaasi, sidoo kalena lacago lagu qaatay dhulalka danta-guud lagu shubay akoonka gaarka ah ee madaxweynaha, sida uu hadalka u dhigay.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Madaxweynaha dhagaha ayuu ka furaystay farriimaha dadka danyarta ah ee deggan xarunta Kaluumaysiga. Waxaa horay dad danyar looga barakiciyey, qaarkoodna magac dawladeedna lagu iibiyey Xaruntii Dab-damiska, Xeradii Gaadiidka Dowlada Hoose, Xaruntii Dhulbixinta, Xaruntii Wasaaradda Howlaha Guud, Dhulka Ciidanka Asluubta, Qabuuraha Iskool Boolisiya, Wakaaladda Onod, Dhulkii Oodweyne, Xerada Bangala, Xeradii Guulwadayaasha, Hotel Jubba, Bakhaarradi Keydka ee Wasaaradda Beeraha iyo kuwo kale.

Lacagihii laga qaaday midkoodna laguma shubin qasnadda dowladda, waxaana caddayn u ah in aysan miisaaniyadda Baarlamaanka hortaalla dakhli iyo qarashayn meelna kaga jirin. Akoon Madaxweynaha u gaar ah ayaa lagu shubaa.

Dowlad waxa ugu wayn ee ay u jirtaa waa in ay danyarta ilaaliso, laakiin taa caksigeeda dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh u waynyahay waxay ilaalisaa danta madaxyaweynta.

Maxaad ka filanaysaa dadka rayadka ah ee tabarta daran ee magaca dowladeed lagu barakicinayo, iyadoo dhulka laga qaadayna loo qaybinayo ganacsato lacag laga qaaday, siyaasiyiin taageero laga rabo, iyo dad ehel iyo asxaab ah oo lagu naasnuujinayo? Ma is leedahay dadkaas ayaa dawlad jeclaanaya?

Ku takrifalka awoodda dolwadeed iyo ku tumashada xuquuqda muwaadinka, gaar ahaan kan nugul, waa sababaha ugu wayn ee  horseeday burburkii qaranka, dadkana nacsiiyey dowladnimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here