Cabsi amni oo ka taagan magaalada Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyay

0

MUQDISHO (SMN) – Booliska ayaa adkeeyay ammaanka maagalada caasimadda ee Muqdisho, iyadoo ay jirto diginin amni xilli shacabka magaalada ay ku jiraan u dabbaaldagga ciidda, kadib markii ay soo dhamaatay bisha barakaysan ee Ramadan.

 

Tallaabada Booliska Soomaaliya ayaa imaaneysa 48 saac kadib markii Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ay sheegtay inay heshay xog ku saabsan halis amni oo ku aaddan dhowr goobood oo ka mid ah Muqdishu oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport.

Afhayeenka Ciidanka booliska Cabdifataah Aadan Xasan ayaa sheegay inay sugayaan ammaanka muwaadiniinta ciidaya, islamarkaana ay wadaan baaritaano dheeraad ah.

Cabsida amni ee ka taagan Muqdisho ayaa keentay in ciidamo dheeraad ah la dhigo waddooyinka, sidoo kalena la adkeeyay xarumaha dowladda iyo safaaradaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here