Balad-Xaawo, Soomaaliya – Gobolka Gedo ayaa wajahaya xaalad siyaasadeed iyo mid amni oo aad u cakiran, iyadoo laga cabsi qabo inuu mar kale ka qarxo dagaal culus oo dhexmara ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland, gaar ahaan degmada Balad-Xaawo.
Wararka laga helayo gobolka ayaa tilmaamaya in ciidamadii Jubbaland ee dhawaan laga saaray Balad-Xaawo ay hadda dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan deegaanno ku dhow dhow degmadaas, taasoo sii kordhisay cabsi laga qabo in ay dib u bilowdaan iska horimaadyadii hore.
Jubbaland ayaa la sheegay inay ciidamo farabadan u daabulayso gobolka Gedo, halka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhankeeda gelisay heegan buuxa ciidamada ku sugan gobolka, gaar ahaan kuwa jooga Balad-Xaawo.
Xaaladdan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay wado qorshe ku aaddan dhismaha maamul cusub oo ka madax-bannaan Jubbaland, kaasi oo la sheegay in laga hirgelinayo gobolka Gedo.
Maamulka cusub ayaa lagu sheegay mid ay dowladda doonayso inuu beddelo saameynta Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ee gobolka.
Warar rasmi ah ayaa sidoo kale sheegaya in wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ay ku wajahan yihiin degmada Balad-Xaawo si ay u dardar geliyaan howlaha la xiriira dhismaha maamulka cusub ee Jubbaland ee ay dowladda ku dhawaaqi doonto.
Cabsi xooggan ayaa ka jirta deegaanka, iyadoo dadka deegaanka ay walaac ka muujinayaan suuragalnimada dagaal hor leh oo dhibaato hor leh u keena shacabka iyo gobolka guud ahaan.




