ALGIERS – Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cali Balcad, ayaa Axaddii ka qayb galay Shir Caalami ah oo looga hadlayay ciqaabista gumeysiga Afrika, kaas oo ka dhacay magaalada Algiers laga bilaabo 30 Nofeembar ilaa 1 Diseembar.
Shirkan ayaa isku keenay dalalka Afrika ee soo maray gumeysi, iyadoo ujeedadu tahay in la xoojiyo aqoonsiga caalamiga ah ee xadgudubyadii gumeysiga lagu sameeyay iyo in la horumariyo habab wax ku ool ah oo magdhaw loogu sameeyo caddaalad-darrooyin taariikhi ah oo muddo dheer taagnaa.
Ka qaybgalayaasha ayaa la filayaa inay dhameystiraan qoraalka “Baaqa Algiers” (Algiers Declaration), oo ah dukumeenti dhameystiran oo ka turjumaya talooyinka ugu waaweyn iyo gunaanadka ka soo baxay shirka.
Marka la dhameystiro, “Baaqa Algiers” ayaa loo gudbin doonaa Shir Madaxeedka Midowga Afrika ee lagu qabanayo Febraayo 2026, halkaas oo dalalka xubnaha ka ah lagu eegi doono in lagu ansixiyo sidii dukumeenti rasmiga ah oo lagu xusayo dembiyada gumeysiga iyo saameyntooda joogtada ah ee qaaradda Afrika.
Intii uu shirka ka socday, Wasiiru Dowlaha Cali Balcad ayaa sidoo kale kulmay Xoghayaha Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Algiers, Marwo Salma Mansouri, halkaas oo ay ka wada hadleen arrimo dan u ah labada dal.
Shirka ayaa lagu tilmaamay fursad muhiim ah oo dalalka Afrika ay kaga wada hadlayaan sidii loo xoojin lahaa caddaaladda taariikhiga ah iyo aqoonsiga dhibaatadii gumeysiga ee ka dhalatay qaaradda.




