Cali Guudlaawe oo cambaareeyay weerarkii Beledweyne

0

JOWHAR [SMN] – Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa soo saarey war qoraal ah oo ku cambaareeyay weerarkii Maanta ka dhacay magaaladda Beledweyne.

 

WAR-SAXAAFADEEDKA: Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ugu horeyn cambaareeyay weerarka fuleynimada ahaa ay geeysteen Al-Shabaab ku dhiiran weysay furimaha dagaalka inay yimaadaan taa beddelkeedana doortay inay xasuuqaan shacab sooman.

“Allaha u naxariisto Nabaddoon Aadan Cali Cabdulle, Nabaddoon Maxamed Cismaan Faarax, Gaashaanle Aadan Maxamuud Calasoow iyo shacabkii ku shahiiday weerarkii bahalnimo ee argagixisada, Allaha bogsiiyo intii ku dhaawacantay. Aan u midoowno dhammeystirka Khawaarijta arxanka daran.”ayuu yir Madaxweynaha Hirshabeelle.

Gabogabadii, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ku ammaanay ciidamada amniga sida ay u toogteen maleeshiyaadka khawaarijta ee gudaha u galay Hotel Qaahira ee magaalada Beledweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here