Cali Guudlaawe oo furay kalfdhiga 16-aad ee Baarlamaanka HirShabelle + Sawirro

0

JOWHAR (SMN) – MadaxweynahaHirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta si rasmi ah u furay Kal-fadhiga 16-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle.

 

Munaasabadda furitaanka waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Guddoonka Baarlamaanka, Xildhibaanada Hirshabeelle iyo Wafdiga labada aqal ee Baarlamaanka JFS.

“Waa inoo furan yahay kal-fadhiga 16-aad ee Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle. Howlaha hor-tebinta idiin leh inaad dardargelisaan ayaan rajeynayaa haddii uu Alle idmo.”

Gabogabadii Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ugu mahadceliyay wakiilada Dowladda Hirshabeelle sida ay uga qeybqaateen dagaalka dib u xorreynta.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here