JOWHAR (SMN) – Madaxweynaha HirShabelle ayaa wareegto uu soo saaray waxaa xilka looga qaaday Agaasimihii Wasaarada Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdiraxmaan Cabdi Raage waxa uuna xilkaas u Magacaabay Mukhtaar Maxamed Cabdulle.
Sidoo kale Madaxweyne Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Xiriirka Caalamiga Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cabdulahi Maxamed Xasan isagoo xilkaas u magacaabay Maxamed Muxumad Cabdulle.
Sababta ayaa waxaa lagu sheegay, kadib soo jeedin ka timid wasiirada labadaasi wasaaradood, waxaana la faray agaasimeyaasha cusub inay xilalkooda la wareegaaan.
Halkan hoose ka aqriso:

