Cali Jayte oo shaaciyay arrinta ay isku qabteen madaxweynaha HirShabelle

0

BELEDWEYNE (SMN) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo warbaahinta u warramay ayaa markale ka hadlay khilaafka kala dhexeeya hoggaanka sare ee dowlad goboleedka HirShabelle.

 

Cali Jayte ayaa shaaca ka qaaday in khilaafka uu muddo dheer soo taagnaa, isla-markaana ay madaxweyne Cali Guudlaawe isku qabteen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale wuxuu madaxweynaha ku eedeeyay in uusan raalli ka aheyn dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, balse ay ku qasbeyn, sida uu hadalka u dhigay.

Jayte ayaa garnaqsaday, wuxuuna tusaale usoo qaatay howlgalladii uu hoggaaminayay ee ka dhacay bariga Hiiraan, illaa Shabeelaha Dhexe oo deegaano badan lagu xoreeyay

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Cali Jayte uu horay uga horyimid xilka qaadistii lagu sameeyay, taas oo xiisad horleh ka dhalisay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Mudane Cali Jayte ayaa ku gacan seeray inuu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha cusub ee Cabdullaahi Sufurow, waxayna labaduba haatan ku sugan yihiin gobolka Hiiraan, gaar ahaan Beledweyne, halkaas oo uu ka jiro is barbar yaac maamul oo saameyn ku yeelashay horumarkii gobolkan iyo howlgalladii ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socday halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here