NAIROBI, Kenya – Cabdixakiin Xaaji Cumar Cameey, Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Maamulka Puntland oo ka hadlayey Kulan ka dhacay Magaalada Nairobi ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Mudane Cabdixakiin Cameey ayaa sheegay in Heshiiskii uu Xasan Sheekh Ankara kula galay Abiy Axmed uu ahaa mid qaldan, islamarkaana uu doonayo Madaxweynuhu in uu Dalka Hoos geeyo Itoobiya, taasoo halis iyo lidi ku ah Midnimadda Umadda Soomaaliyeed.
Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan si shaqsi ah u eedeeyay oo waxaa uu ku tilmaamay mid kasii halis badan wax kasta oo Khatar ku ah Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland CabdiXakiin Xaaji Cumar Camey ayaa ugu baaqay Shacabka iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed in la iskugu yimaado sidii loo badbaadin lahaa Dalka oo madaxa lasii geliya Hubanti la’aan Siyaasadeed.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo looga jawaabayo eedeynta culus ee mas’uulkan u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.