Carruur walaalo ah oo ku dhintay miino kula qaraxday deegaanka Xeraale

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Warar kala duwan kasoo baxaya miino carruur walaalo ah kula qaraxday deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud, taas oo dhalisay khasaare dhimasho leh.

 

Miinada ayaa lagu soo warramayaa inay ku qaraxday carruurta, xilliga ay ku ciyaarayeen, sida ay Idaacadda Shabelle u sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Carruurta oo saddex ahaa ayaa laba kamid ah goobta ku dhinteen, halka mid kalena uu saacado kadib u geeriyooday dhaacwac culus oo soo gaaray.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka deegaanka Xeraale oo ku aadan dhacdadaasi.

Inta badan dhacdooyinka noocaan ah ayaa ku soo laabta laabta gudaha dalka, waxaana ay ka dhashaan haraadiga hubka iyo walxaha kale ee aan qarixin, waana dhibaato laga dhexlay dagaalladii sokeeye ee soo maray dalkeenna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here