CC Warsame oo Si Kulul Uga Hadlay Kacdoonnada Dhalinyarada Afrika

0

Muqdisho, Soomaaliya — Iyadoo dhowaan qaar ka mid ah dalalka Afrika iyo adduunka intiisa kale ay ka socdeen kacdoonno ay hogaaminayaan dhalinyarada jiilka cusub ee Gen Z, ayaa Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame (CCW) si adag uga hadlay mowjadaha isbeddelkaas ee xoogga leh.

 

 

CCW, oo ka hadlayay barnaamij dood ah oo diiradda lagu saarayay mustaqbalka siyaasadda Afrika iyo kaalinta dhalinyarada ee dhismaha dowladnimada casriga ah, ayaa cadeeyay in dowlad kasta oo isku dayda inay xakameyso rabitaanka dhalinyarada aysan awoodin inay joojiso kacdoonka socda.

Xildhibaanku wuxuu carabka ku adkeeyay in jiilka Gen Z uu yahay jiil si weyn uga duwan kuwii hore, kuwaas oo si qoto dheer u fahamsan xogta, tiknoolajiyadda, iyo awoodda isgaarsiinta casriga ah, isla markaana si hufan ugu mideysan hal ujeeddo oo ah in la helo hoggaan cusub iyo nolol ka wanaagsan.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa tilmaamay in jiilka cusub uu leeyahay awood uu ku mideeyo bulshooyin kala duwan, isla markaana si degdeg ah u faafiyo fariimaha ka dhanka ah dulmiga iyo musuqmaasuqa.

Hadalkan ayaa imanaya xilli guud ahaan qaaradda Afrika ay sii kordhayaan mudaharaadyada nabadeed ee ay hogaaminayaan dhalinyarada, kuwaas oo ku baaqaya isbeddel siyaasadeed, caddaalad, iyo hufnaan dowladeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here