N’Djamena, Chad – Dowladda Chad ayaa si rasmi ah u xirtay xadka ay la wadaagto Sudan, iyadoo sheegtay in tallaabadan looga gol leeyahay in laga hortago in dagaalka ka socda Sudan uu ku fido gudaha dhulkeeda. Chad waxay weli ku adkeysanaysaa inay dhexdhexaad ka tahay colaadda saddex sano jirsatay ee u dhaxaysa ciidanka dowladda Sudan iyo xoogagga ee (RSF).
Dagaalka Sudan ayaa sababay khasaare baaxad leh, iyadoo kumannaan qof ay ku dhinteen, halka in ka badan 12 milyan oo qof ay ka barakaceen guryahooda, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Ku dhawaad hal milyan oo ka mid ah dadka barakacay ayaa magangalyo ka helay gudaha Chad.
Gobolka ballaaran ee Darfur, oo ku yaalla galbeedka Sudan isla markaana xuduud la leh Chad, ayaa inta badan gacanta u galay RSF kadib markii ay qabsadeen magaalada Al Fasher bishii Oktoobar. 21-kii Febraayo, RSF waxay sheegtay inay la wareegtay magaalada xuduudda ku taalla ee Al Tina, taas oo mataano la ah magaalada Al Tine ee dhinaca Chad. Tan iyo bishii Diseembar, weerarro ka dhacay agagaarka xadka ayaa sababay dhimashada 15 askari Chad udhashay iyo siddeed qof oo rayid ah.
Chad ayaa 23-kii Febraayo si rasmi ah u xirtay xadka, iyadoo wasiirka warfaafinta Gassim Cherif Mahamat uu sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay in laga hortago “khatar kasta oo dagaalka ku fidi karta.” Wuxuu sidoo kale xusay in Chad ay xaq u leedahay inay ka jawaabto weerar kasta ama xadgudub lagu sameeyo dhulkeeda iyo xuduudaheeda.
Inkasta oo ganacsiga iyo isu socodka xadka la joojiyay, haddana dowladda Chad waxay sheegtay in xaalado gaar ah loo ogolaan doono dadka Sudan ka soo qaxaya inay magangalyo ka helaan gudaha dalka.
Xadka u dhexeeya labada dal, oo dhererkiisu gaarayo ku dhawaad 1,400 km, ayaa aad u adag in si buuxda loo xakameeyo. Si kastaba, xiritaanka xadka ayaa Chad u sahlayo inay dib u muujiso dhexdhexaadnimadeeda, iyadoo dagaalka Sudan uu weli sii xooganayo.
Dhanka kale, Qaramada Midoobay ayaa bishii hore ku eedeysay xoogagga RSF inay galeen dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha intii lagu guda jiray qabsashadii Al Fasher, halkaas oo lagu dilay ku dhawaad 6,000 qof saddex maalmood gudahood.




