Ciidamada Gorgor oo maanta howlgal ka sameeyay duleedka Galcad + Sawirro

0

GALCAD (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Gorgor ay howlgal ka sameeyeen inta u dhexeysa degmada Galcad iyo deegaanka Towfiiq ee gobolkaasi.

 

Ciidamada ayaa howlgalkan oo ah mid culus si gaar ah uga fuliyay deegaano hoostaga magaalada Galhareeri ee gobolka Galgaduud.

Inta uu howlgalka socday ciidamada ayaa cagta mariyay fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, sida uu shaaciyay Abaanduullaha ururka 7-aad ee guutada 18-aad ee kumaandooska Gorgor oo hoggaaminyay howgalka ka dhacay duleedka degmada Galcad.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay baxsadeen xubnihii Al-Shabaab ee ku sugnaaa deegaanada ay weerareen, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa qaybo kamid ah gobolka Galgaduud oo hoostaga maamulka Galmudug.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here