Ciidamada ammaanka Beledweyne oo fashiliyay qarax lagu waday boorso

0

BELEDWEYNE (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax ay ka hortageen ciidamada ammaanka oo maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

Taliyaha Saldhiga Galbeed L/Xidggle Siraad Cumar Xiish oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Booliska uu fashiliyay weerarkaasi, kadib markii ay heleen xogta qaraxaasi.

Siraad Cumar Xiish ayaa shaaciyay in qofka waday qaraxa uu isku dayay inuu galo maqaaxi ku taalla Beledweyne, gaar ahaan xaafadda Howlwadaag, balse ay joojiyeen ciidamada ammaanka, ayadoo kadib ninka uu dhigay boorso uu ka waday qaraxa, sidaasna ay ku qaraxday.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ninka uu cararay, balse qaraxa uusan geysan wax khasaare nafeed ah, marka laga tego burbur hantiyeed oo uu sababay qaraxa.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana howlgallo baaritaano ah goobta ka wada ciidamada ammaanka ee ka howlgala magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here