CAABUDWAAQ (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo amniga lugu sugayay oo ay ciidamada Galmudug maanta ka sameeyeen degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud.
Taliyaha qaybta booliska ee gobolka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalladaasi, wuxuuna sheegay in lagu soo qabtay hub sharci darro ah.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dadkii watay hubkaas lagu xiray saldhigga magaalada, si looga qaado tallaabo sharci ah.
Waxaa kale oo uu digniin u diray shaqsiyaadka kale ee hubka ku dhex wata degmada, isaga oo sheegay inay la dagaalami doonaan.
Deegaanada Galmudug ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka dhacayay falal ammaan darri oo u badan dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ka taagan Galgaduud iyo Mudug.