KISMAAYO (SMN) – Ciidamada Nabad-sugidda Jubbaland oo xalay howlgal ka sameeyay gudaha magaalada Kismaayo ayaa ka hortegay weerar qarax ah oo la doonayay in laga fuliyo magaaladaasi.
Qoraal kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxa oo ahaa miino ay ka war heleen ciidanka, kadibna ay fashliyeen, si aan loogu dhibaateynin dadka shacabka ah.
“Ciidanka Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Jubbaland ayaa ku guuleystey fashilinta miino nooca dhajiska ah oo ay khawaarijtu rabtey inay ku bartilmaameed-sadaan shacabka reer Kismaayo” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.
Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Miinadan sawirkeedu hoos idiinka muuqdo ayay caawa ciidanku ku qabteen xaafada Farjanno ee magaalada Kismaayo kadib markey shacabka xaafadaasi ku wargeliyeen laamaha amniga”
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-