MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka dowladda oo xalay howlgal ka sameeyay degmada Gubadley ayaa gacanta kusoo dhigay rag hubeysan oo loo haysto inay ka ganacsanayeen maan-dooriyaha Xashiishka.
Raggan oo lagu soo xiray saldhigga booliska degmada Heliwaa ayaa waxaa haatan ku socdo baaritaano, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliya.
“Howlgal ay fuliyeen Ciidamada Amniga ee Gobolka Banaadir ayaa lagu soo qabtay 4 eedeysane oo hubeysan iyo 7 Loor oo maan-dooriyaha Xashiishka ah oo ay ka ganacsanayeen, howlgalkaas ayaa caawa ka dhacay degmada Gubadley ee Gobolka Banaadir” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada amniga ee caasimadda Muqdisho ayaa waday howlgallo culus oo ka dhan ah kooxaha ka ganacsada waxyaabaha maanka-dooriya, si looga hor tago dhibaatada ay bulshada u geysan karaan.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada;-