Ciidamada ammaanka oo kordhiyay howlgallada ka socda Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga ee ay ka wadaan magaalada Muqdisho.

 

Ciidamada Booliska, kuwa NISA iyo Boolis Milataaro oo si wadajir ah uga howlgala caasimada ayaa haatan howlgallo joogta ah ka wada degmooyinka gobolka Banaadir.

Ujeedka ayaa ah in laga hortego falalka ammaan darri ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, kuwaas oo isugu jiro dilal qorsheysan, qaraxyo iyo dhac ay gaysanayaan kooxo burcad ah.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa gudaha caasimadda ka dhacayay falal liddi ku ah amniga, sida dilal iyo qaraxyo oo qaarkood ay gaysteen dagaalyahanada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here