Ciidamada ammaanka oo soo afjaray weerarkii lagu qaaday xeebta Liido

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Soomaaliya oo war qoraal ah soo saartay ayaa shaacisay in ciidamada ammaanka ay soo afjareen weerar toos ah oo qaraxyo ku bilowday oo xalay Al-Shabaab ay ku qaadeen hoteel Peach View oo ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

 

Ciidamada ammaanka ayaa toogtay shan dagaalame oo weerarka fuliyay, halka mid kalena uu is qarxiyay, sida lagu sheegay warsaxaafadedka.

Sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay in ciidamadu ay ka hortageen gaari ay ka buuxaan walxaha qarxa oo isna la doonayay in weerar lagu gaysto.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Ciidamada Ammaanka ayaa goor dhow soo afjaray weerar ay kooxaha Khawaarijta kusoo qaadeen shacab ku caweynayey xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa toogtay 5 Khawaarij oo ahaa dhagarqabeyaashii weerarka soo qaaday halka dhagarqabe kalena uu naftiisa ku haligay xeebta Liido ayadoo qaraxaasina uu saameeyey shacabkii xeebta ku caweynayey.

Taliska Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in weerarkii Argigixiso ay Ciidammadu soo af jareen goor dhow islamarkaana ay dadkii ugu badnaana ay Ciidanku soo bad baadiyeen.

Dhinaca kale Ciidammada ammaanka ayaa fashiliyey gaari walxaha qarxa ay Khawaarijtu kusoo diyaarsadeen si ay Shacabka Caasimadda ugu wax yeeleeyaan. Waxaana ciidammada ay gacan ka geysteen in dhaawacyada loo gurmado oo isbitaallada la geeyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here