Ciidamada ammaanka oo xalay howl-gal ka sameeyey Muqdisho

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo xalay ciidamada ammaanka Soomaaliya ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Howl-galka oo ahaa mid lagu xaqiijinayey amniga ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey xaafado ku dhow xarunta madaxtooyada, gaar ahaan inta u dhaxeysa isgoyska Maana-Booliyo, illaa Taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay howl-galkaasi ku sooq ab-qabteen tiro dad ah oo tuhmanayaal ah, kuwaas oo ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Weli ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha hayโ€™adaha amniga ka bixiyeen howl-galkaasi laga fuliyey degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Habeen hore ayey aheyd markii sidan oo kale howl-gal qorsheysan ciidamada ay uga fuliyeen qeybo ka mid ah degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here