Ciidamada ammaanka Puntland oo howlgal culus ka sameeyay Boosaaso

0

BOOSAASO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee maamul goboleedka Puntland ayaa xalay howlgallo baaritaano ah ka sameeyay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

Howlgalladan oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qabtay saddex xubnood oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Daacish, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.

Xubnaha lasoo qabtay oo lagu xiray saldhigga Boosaaso ayaa waxaa haatan ku socda baaritaan, waxaana lagu eedeeyay inay kooxda u qaabilsan yihiin hanjabaada ganacsatada.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa kordhiyay howlgallada amni xaqiijinta ah ee ay ka wadaan deegaanada maamulkaasi.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here