WANLAWEYN (SMN) – Ciidamada ammaanka ee degmada Wanalweyne oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa maanta toogtay nin hubeysan oo la sheegay inuu horay u dilay wiil ay ilmo adeer ahaaneeyn, sidoo kalena ku sigtay inuu dilo aabihiis.
Guddoomiyaha maamulka degmada Wanlaweyn Idiris Maxamed Cumar ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in ninkan uu khatar ku ahaa magaalada, balse lagu dilay howlgal ay qaadeen ciidamada ammaanka, kadib markii uu la dagaalamay ciidanka doonayay inay soo qabtaan.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in maydka ay ku wareejiyeen aabihiis oo isna ku sugnaa xarunta degmada, maadaama uu ka baqayay inuu dilo wiilkiisa.
Halkan hoose ka dhageyso wareysiga:-