Ciidamada amniga Beledweyne oo toogtay rag dil ka geystay magaaladaasi

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamadda ammaanka ayaa xalay magaaladda Beledwayne ku toogtay rag gudaha magaaladaas ku dilay sarkaal Boolis ah oo ka tirsanaa ciidamada HirShabelle.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray labo xidigle Axmed Xasan Biriq, iyada oo lagu toogtay xaafadda Howlwadaag ee magaaladaasi.

Laamaha ammaanka ayaa sheegay in ragga la toogtay ku hubeysnaayeen bistoolado iyo bambaanooyin, sida ay hadalka u dhigeen.

Ciidamada ayaa sidoo kale sameeyey baaritaano dheeraad ah, waxayna gacanta ku dhigeen dad kale oo lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen dilka sarkaalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here