Ciidamada ATMIS oo madaafiic ku garaacay deegaano ay joogeen Shacab

0

DIINSOOR (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobilka Baay ayaa sheegaya in saaka ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah ATMIS ay madaafiic xoogan ku garaaceen deegaano ay joogaan dad shacab ah oo ku yaalla agagaarka degmada Diinsoor oo hoostagta gobolkaasi.

 

Dadka deegaanka ayaa mar qura kusoo baraarugay jugta madaafiicda oo ay ridayaan ciidamada ATMIS, kuwaasi oo ku dhacaya xaafado ay daganyihiin shacabka.

Lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicdaasi oo argagax ku abuuray bulshada ku nool duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah ATMIS ayaa inta badan la kulma weeraro kaga yimaada dhanka Al-Shabaab, kuwaasi oo isugu jira qaraxyo iyo weeraro toos ah.

Dadka deegaanka ayaa kusoo warramaya in xilliga ciidamada Itoobiya ay madaafiicda ridayeen aysan jirin wax dagaal ah oo socday .

Xaaladda ayaa haatan waxa ay tahay mid deggan, inkastoo deegaanda Koonfur Galbeed ay ka soconayaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here