Ciidamada badda Hindiya oo xoog kusoo furtay markab iyo shaqaalihii saarnaa

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada badda Hindiya ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen 23-shaqaale ah oo la socday markab kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Iran kaas oo ay gacanta ku dhigeen kooxo burcad badeed ah oo ku sugan xeebaha Soomaaliya.

 

Markabkan oo lagu magacaabo Al-Kambar ayaa laga afduubay xeebaha dalka Yemen, 28-kii bishii bishan, markaasoo la sheegay in ay fuuleen dushiisa sagaal burcad-badeed ah oo doon watay, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen ciidammada badda Hindiya.

Markabka ayaa waxaa lagu soo furtay howlgal qaatay in ka badan 12 saacadood oo ku qasbay burcadbadeedda inay isa soo dhiibaan.

Sagaalkan burcad-badeedda ah ayaa la geeyay dalka Hindiya oo lagu maxkamadeyn doono. Waxay ku biiraan 35 kale oo burcad badeed ah oo dhawaan magaalada Mumbai laga dejiyay, kuwaasoo laga furtay Markabka MV Ruen isla bishan.

Shaqaalihii markabka kalluumeysiga oo ka koobnaa 23 qof oo Pakistani ah ayaa badqaba, waxaana la helay baaritaanno caafimaad ka hor inta aan la fasaxin si ay u sii wataan howlaha kalluumeysiga, ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhacdooyinka burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya ayaa imaanaya markii ugu horreysay muddo toban sano ku dhow oo aan wax afduub markab dhicin.

Falalka afduubka iyo khatarta amniga ayaa sababtay inay maraakiibta sameysteen ilaalo gaar ah oo ka gudbiya biyaha Soomaaliya, oo kamid ah meelaha ugu halista badan Caalamka, maadaama mudo ka badan 30 sano dalka lahayn Ciidan difaaca badda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here